Axad, January 24, 2010(HOL): Maamulka Islaamiga ee gobolada Jubooyinka ayaa maanta deeqo Xoolo ah waxaa ay gaarsiiyeen qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose.
Wilaayada Islaamiga ee Jubooyinka ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa duleedka waqooyi ee Magaalada Kismaayo waxa ay ka qeybiyeen dhaqaalo sako ah kuwaasi oo la siiyay dadka danyarta ah ee ku nool tuulooyinka dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.
Dadka ayaa waxaa loo qeybiyay xoolo Nool oo isugu jiray Ari, Geel iyo Lo’, shalay ayaaa sidoo kale waxaa qaar katirsan deegaanada waqooyiga ka xiga Magaalada Kismaayo laga qeybiyay ilaa 21 geel ah 55 lo’ah iyo 67 ari ah kuwaasi oo dhamaantood la siiyay dadka danyarta ah ee degan Deegaanada Gosha.
Madaxa Xafiiska Sakawaadka ee Wilaayada Jubooyinka Sheekh Cumar (Xayaakalaah) ayaa waxaa uu sheegay in sakooyinkaasi ay bixiyeen kadib markii Mudooyinkii ugu dambeeyay ay deegaanada iyo degmooyinka Gobolada Jubooyinka ay ka aruuriyeen Sakooyinka.
Qaar ka mid ah dadkii danyarta ahaa ee Xoolaha la gudoonsiiyay ayaa HOL waxaa ay u sheegeen in ay ku faraxsanyihiin sakada ay soo gaarsiiyeen Wilaayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka.
Sikastaba ha ahaatee gudiga dhinaca Sakada u qaabilsan Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa waxaa la sheegay in ay sii wadayaan qeybinta Sakooyinka ay siinayaan dadka danyarta ah ee ku nool obalada.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya