Deeq-bixiyeyaasha caalamka oo ballanqaaday inay ku taageerayaan ciidamada AMISOM lacag gaaraysa 204-Milyan oo Dollar

Axad, January 24, 2010(HOL): Deeq bixiyeesha Caalamka ayaa maanta ballanqaaday inay ku taageeri doonaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia oo ka socda Ururka Midowga Midowga lacag gaaraysa 204-Milyan oo Dollar.

Sidoo kale dalalkan waxay ballanqaadeen inay bixin doonaan qalabka ay u baahan yihiin dalalkii doonaya inay ciidamo kale ku biiriyaan kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Lacagtan ayaa la sheegay in 80-Milayn oo Dollar ay bixin doonaan dalalka caalamka qaarkood, halka ay sheegtay Midowga Yurub inay siinayso dalalka Burundi iyo Uganda oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya 7.6-Milyan Dollar.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay inuu howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ku taageeri doono 30-Milyan oo EURO, lacagtanna la bixin doono gabi ahaan 6-da bilood ee ugu horreysay sannadkan 2010.

Dalalka Mali iyo Nigeria ayaa horay u sheegay inay ciidamo ugu dirayaan Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada AMISOM ee howlgallada nabad ilaalinta ah u jooga halkaas, balse aanay weli dirin wax ciidamo ah.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa dhawaan ka sheeganayay mushaar la'aan ba'an oo haysta, waxaana tiradoodu ay gaaraysaa 5,000-askari oo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda, iyadoo Jabuutina ay sheegtay inay xoojinayso AMISOM.

Taliska Ciidamada Uganda ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay ciidamo dheeraad ah u diri doonaan dalka Soomaaliya, kaddib markii uu soo baxay ballanqaadkii dalka Talyaaniga ee ahaa inay tababarro dheeraad ah siin doonaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKMG ah.

AMISOM oo ka socota Midowga Afrika ayaa waxay ilaalo ka hayaan xarumo ay ka mid tahay Madaxtooyada, Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha, iyagoo sidoo kalena xarumo kooban ku leh Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya