Arday Soomaaliyeed oo ka qalinjabisay Jaamacada Shandi ee wadanka Suudaan (DAAWO SAWIRRO)


Axad, January 24, 2010(HOL): Waxaa habeenimadii jimcaha 22/01/2010 lagu qabtay dalka suudaan gaar ahaan gobolka Nahrul-niil magaaladiisa shandi xaflad qalinjabin ah oo loo sameeyay aradayda dhameesay jaamacada SHANDI Sanadkii tagay ee 2009.
 
Ardaydaas oo tiradoodu gaareysay 50 arday ayaa isugu jiray wadamo kala duwan sida Somalia, Suudaan, China Turkiya, Jordan iyo wadamo kale oo dhamaantood ka qalinjabiyey scienseka qaybihiisa kala duwan ayaa somalidu waxey ku lahaayen labo arday oo kala ah.

DR: Bashiir Cabdi shire
DR: Maxamed Cali Nuur

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga aradada soomaaliyeed ee jaamacada SHANDI ee dalka Sudaan ayaa ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ,waxaana ka soo qayb galay Qaybo ka mid ah ardayda wax kabarata wadankaasi iyo wafdi ka socday dawlada Sudan.

Dr Bashiir Cabdi Shire oo ka mid ah ardayda Somaliya u qalijabisay ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan hagaajinta xirirka u dhaxeeyay dawladaha Somaliya iyo Suudaan.
 
Magaalada Shandi waxay kamid tahay xarumaha ugu muhiimsan ee dhanka waxbarashada dalka suudaan, iyadoo ay wax ka bartaan arday badan oo ka soo jeeda dalkan bur bursan ee Somaliya,Waxaana ay Caasimada Khartuum u jirtaa 175km.

Ugu danbeentii waxaa meesha kahadlay maamulka ardada puntland ee gobolka shandi masuulkooda ugu sareeya Mudane xeyrdaac waxuuna sheegay in looga baahan yahay ardayda Soomaaliyeed sidii ay wax u tari lahaayeen Shacabka Somaaliyeed,isla markaan ay u gudbin lahaayeen wixii ay soo barteen.




 
Faisel Maxamed Hassan (Boston),HiiraanOnline
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya