Axad, January 24, 2010(HOL): Xoghayaha maamulka cusub ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta shaaca ka qaaday isagoo ku sugan degmada Jowhar ee xarunta Gobolkaas inuusan diyaar u ahayn inuu qabto xilka loo magacaabay.
C/llaahi Cali Max'ed oo xilkaas loo magacaabay ayaa sheegay inuusan xilkaas diyaar u ahay inuu qabto, uuna warbaahinta ka ogaaday in xilkaas loo magacaabay sidaa daraadeedna uu shaacinayo inuusan qabanayn jagada loo magacaabay.
"Waxaan ka mid ahay dadka Gobolka Shabeellada dhexe ku nool, waxaana codsi ku aadan in xilkan la ii magacaabo uu iiga yimid Madaxda Dowladda Soomaaliya, balse waan diiday, waana la yaabay markaan arkay inaan ka mid ahay maamulkaas" ayuu yiri xoghayaha maamulka Shabeellada dhexe.
Sidoo kale mas'uulka xilkiisa iska casilay wuxuu sheegay inuu yahay Macallin ka shaqeeya Magaalada Jowhar, uusana doonayn in howsha uu hayo uu ka badasho midda uu Madaxweynaha Soomaailya u magacaabay.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellada dhexe Cali Max'ud Caddoow (Cali Jowhar) oo isaguna maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay u diyaargaroobeen inay dhawaan tagaan Magaalada Jowhar si ay howshooda u gutaan.
"Dowladda Soomaaliya waxay u diyaargarowday inay la wareegto gacan ku haynta Gobollada dalka oo dhan, innagoo taas ka duulayna ayaan u diyaargarownay inaan noqonno mas'uuliyiintii ugu horreeyay oo la wareega gobolkii loo magacaabay" ayuu yiri Cali Jowhar.
Guddoomiyaha cusub wuxuu sheegay in dowladdu ay ka taageerayso qalabka iyo ciidanka, ayna dhawaan dhaqaaqi doonaan, isagoo aan sheegin xilliga rasmiga ah ee ay doonayaan inay u jiheystaan Gobolka Shabeellada dhexe oo ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo dowladda kasoo horjeedda.
Mas'uulka iscasilay ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo xilkiisa iska casila, tan iyo markii la magacaabay maamulkan gallinkii dambe ee shalay, mana jiraan wax hadal ah oo ay kasoo saartay dowladda Soomaaliya iscasilaadda xogyihii Gobolkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya