Xildhibaan ka tirsan Dowladda Kenya oo ku eedeeyay ammarkii lagu qabqabtay dadka Soomaaliyeed inay bixiyeen saraakiisha ciidamada Kenya

Axad, January 24, 2010(HOL): Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya kana soo jeeda Gobolka Waqooyi-Bari ee ay Soomaalidu dagto ayaa ku eedeeyay taliska ciidamada dalka Kenya inay bixiyeen markii lagu qabqabtay dadka Soomaalida ah.

Xildhibaan Aadan ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka codsadeen in saraakiishan la horkeeno Maxkamad si loo weydiiyo sababta keentay inay iyagu qaataan inay dadka qabqabtaan.

"Wasaaradda Ammaanka Qaranka ee Kenya waxay noo sheegtay inaysan bixin ammarka ah in dadka Soomaalida ah oo dhan la qabqabto, sidoo kalena Xildhibaanada Soomaalida ah ee dalka ku sugan la dhibaateeyo" ayuu yiri Xildhibaan Ducaale oo la hadlay saaxafadda.

Mudanuhu wuxuu sheegay in Madaxda Dowladda Kenya ay gaarsiiyeen qoraallo cabsho ah oo ay ku sheegayaan dhibaatooyinkii iyo tacdiyadii lagula kacay dadka Soomaalida ah, balse ay iska diideen inay iyagu bixiyeen in dadka la dhibaateeyo.

"Warqad ayaan gaarsiinay Madaxweynaha Kenya, wuxuuna sheegay inuusan isagu wax war ah u hayn in dadka Soomaalida ah la qabqabto, sidaa daraadeed dambiga waxaa iska leh saraakiisha ciidamada" ayuu yiri Xildhibaankan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in dowladdiisu ay xaq u leedahay inay iska jirto cid walba oo dhibaato u geysanaysa ammaanka guud ee dalka ama sharci aan ku joogin, balse waxa la diidan yahay waa in dadka oo dhan la simo.

"Ciidamadu waxay qabqabteen qof walba oo ay u arkaan Soomaali, waxaa ku jiray dadka u dhashay dalka ee Soomaalida ah, kuwaasoo loola dhaqmay si aad u fool xun, waa taas midda ugu weyn ee aan diiddanahay waayo innagu waan leenahay gobolka labaad ee ugu weyn Kenya" ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

Mudanayaal horay uga tirsanaan jiray dalka Kenya ayaa waxay kulan looga hadlay sidii loo joojin lahaa qabqabashada lagu hayo Somalida la yeeshaan Wasiirka Ammaanka dalka Kenya George Saitoti iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Shirkaas ayaa waxaa la sheegay inay kasoo baxeen go'aano ay ka mid yihiin in la joojiyo qabashada safmarka ah ee lagu hayo dadka Soomaalida ee ku nool dalka Kenya, gaar ahaan Magaalada Nairobi oo ay ku haystaan ganacsiyo waaweyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya