Maxkamadda Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo maanta xukunno dil iyo xarig ah ku ridday askar lagu soo oogay dambiyo kala duwan

Axad, January 24, 2010(HOL): Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday askar ka tirsan ciidamada Dowladda, kuwaasoo qaarkoo lagu soo eedeeyay inay dilal u geysteen askari iyo qof rayid ah.

Ciidamada Maxkamadda ay xukunka oo tiradoodu ahayd 5-qof ayaa waxaa maxakadda ku sugnaa afar ka mid ah, iyadoo mid kale la sheegay inaan gacan lagu hayn, balse lagu ridayo xukunka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo xukunka riday ayaa sheegay inuu u cuskaday diinta Islaamka iyo xeerka dalka u dagsan, wuxuuna ku xukumay laba ka mid ahaa askarkii maxkamadda ku sugnaa dil toogasho ah, kaddib markii uu sheegay inay iyagu horay dilal u geysteen.

"Maxkamaddu markii ay xaqiijisay dambiyada lagu soo oogay C/rashiid Cali Xasan iyo Siidi Cusmaan Xasan oo ahaa inay dilal geysteen, waxay ku xukuntay dil toogasho ah" ayuu yiri Gen. Xaaji Cali Xasan oo saxaafadda la hadlay.

Eedeysanayaasha kale ee iyagana lagu xukumay xariga ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen: C/kariim Maxamed Cali, Abuukar Khaliif Aadan iyo Sharma'are oo la sheegay inuusan goobjoog ka ahayn xukunka lagu riday, waxaana saddexooda la sheegay in mar kale Maxkamadda la horkeenayo 6-bilood kaddib si dacwaddooda loo sii wado.

"Dambiyada lagu soo eedeeyay askartan waxaa maxkamadda horteeda ka qiray markhaatiyaal shacab iyo askar isugu jiray, markaas kaddib ayaana xukunka ku ridnay" ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunka Maxkamadda ayaa waxaa sharcidarro ku tilmaamay ruux ehel la ah mid ka mid ah dadka lagu xukumay dilka toogashada ah, kaasoo sheegay inuusan ahayn askari wiilkooda, xukunka lagu ridayna uu ahaa mid sharciga aan waafaqsanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya