Wararkii ugu dambeeyay ee rabshadaha ka dhacay Masjidka Jamie ee Magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, January 15, 2010(HOL): Rabashadahan oo gacan ka hadal watay isla markaana dhacay maanta Salaaddii Jimcaha kaddib ayaa wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray waxay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac faro badan ay jirto, iyadoo dhimashada ay ku dhowdahay toban ruux, halka dhaawacuna uu tiro badan yahay.

 

Rabshadahan oo ilaa caawa soo gaaray ayaa waxay salka ku hayaan Wadaad dhalashadiisa ka soo jeeddo dalka Jamaica oo lagu magacaabo Shiikh Cabdalla Al-Feysal, kaasi oo  ay Dowladda Kenya  xabsiga u taxaabtay, iyadoo beryahanba uu socday dadaal ay muslimiinta Kenya ku doonayeen in lagu sii daayo Wadaadkaas, dadaalkaas oo natiijo wax ku ool ah ay ka soo bixi weysay.

 

Dhimashada iyo dhaawaca rabshadahan ka dhashay ayaa waxay yimaadeen kaddib markii dad badan oo dhalinyaro u badan oo Salaaddii Jimcaha ka soo baxay ay bannaanbax rabshado watay bilaabeen, iyadoo kaddibna ay nawaaxiga Masjidka Jamie ay gaareen ciidamo badan oo kuwa rabshadaha ka hortago ah, kuwaasi oo dadkii banaanbaxayay u isticmaalay rasaas nool nool  iyo suntan dadka ka ilmeysiisa.

 

Intii ay rabshadaha socdeen ayaa waxaa dhacay wax muujinaya in xiisadda haddii aan dhaqsi wax looga qaban ay isu rogi karto rabshado-diimeed, waxaana taasi marag muujin u ah in ay ciidamada rabshadaha ka hortaga ay la soo safteen dhalinyarada aan muslimka ahayn ee Kenya, kuwaasi oo  dhagaxyo u tuurayay dhinaca dhalinyarada Muslimiinta ee Ciidamada dhagaxyeynayay.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya