Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan qado ah Magaalada Nairobi ugu sameeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, January 15, 2010(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu maanta magaalada Nairobi qado ugu sameeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo isugu jira kuwo horay u sii joogay Magaalada Nairobi iyo kuwo madaxweynaha kala yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka qadada ah oo ka dhacay Hotelka Panari ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay mid lagu xalinayo khilaaf dhawaan soo kala dhexgalay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ay keeneen doood ah in waqtiga guddoonka Baarlamaanka dhamaaday, ayna tahay in la bedelo, halka kuwo kalena ay arrintaas ka soo horjeesteen.

Xildhibaanada ayaa markii ay qadeeyeen kaddib waxaa albaabada loo laabay hoolkii uu shirka ka socday, waxaana shirkaas loo diiday saxaafadda in ay goob-joog ka ahaato, isla markaana ay tebiso warka shirkaas.

Hotelka uu shirkan ka dhacay ee Panari ayaa waxaa shirar noocaan oo kale ah horay ugu qaban jiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, xili ay kala qeybsanaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.













Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya