Jimco, 15, Jen, 2010 (HOL) Xaaladda Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan wali waa mid kacsan waxaana isku hor fadhiya qeybo ka mid ah Magaalada Xoogag ka kala tirsan Culimada Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xisbul Islaam iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo is garabsanaya.
Xoogagga Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa wali u muuqda kuwo xoogga saaraya in ay la wareegaan Xaafada wali ay ka gacanta ku hayaan Ciidamada ka soo horjeeda, kuwaas oo dhinacoodana u muuqda in ay iska caabinayaan dhinaca kale ee ka soo horjeeda.
Iska horimaadyo goos goos ah oo maanta ka dhacay Magaalada ayaa inta laga war qabo waxaa ku geeriyooday hal ruux oo rayid ah halka labo kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana wali ka jira guud ahaan magaalada dareen kacsan iyo cabsi dadku ka qabo in dagaallada sii daba dheeraadaan.
Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Halgan oo ka tirsan Goballka Hiiraan ayaa sheegaya Godoomiyahii Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan Shuuriye Faarax Sabriye oo ay la socdaan gaadiid kuwa dagaalka ah in uu halkaas kulan kula qaatay Odayaal ka tirsan deegaanka Halgan iyagoo isla soo qaaday xaaladda dagaallada ka socda Magaalada Beledweyne.
Kulanka Guddoomiyaha Xisbul Islaam iyo Odayaasha dhexmaray ayaa waxa ka soo baxaya warar is khilaafsan, wararka qaar ayaa sheegaya in Odayaasha iyo Guddoomiyuhu ka wada hadleen in la joojiyo dagaallada ka socda Magaalada Beledweyne.
Marka laga hadlayo Xaaladda nolosha Magaalada waxaa isaga baxaya inta badan dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa, waxaa xiran goobihii ganacsiga, Koranto malaha magaalada, oo xitaa waxaa go’ay Biyihii Magaalada, Waxbarshana warkeeda daa, Waxaana hubaal ah hadii ay xaaladdu sidan sii ahaato in ay sii adkaan doonto xaaladda nolasha inta yare ee ku sii harsan Magaalada kuwaas oo hadda ku nool marxalad aan wanaagsaneyn.
C/raxamaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Wararkii ugu dambeeyay ee Xaaladda Magaalada Beleweyne
More News
- Wararkii ugu dambeeyay ee rabshadaha ka dhacay Masjidka Jamie ee Magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan qado ah Magaalada Nairobi ugu sameeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya (DAAWO SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam iyo ciidamo uu wato oo isaga baxay degmada Baladweyne iyo xaaladda oo daggan
- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee KULMIYE oo kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Maraykanka (DAAWO SAWIRRO)
- Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo hay'daha gargaarka ka dalbaday inay taageeraan dadkii ka barakacay Baladweyne
- Qorax madoobaad saacado socday oo laga arkay Deegaano Dunida ah oo ay Somaliland
- Iska horimaad xoog leh oo maanta ka dhacay Masjidka Weyne ee Jaamici Mosque ee bartamaha magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)
- Go’aanno ka soo baxay kulankii dhexmaray Madaxweynaha SOomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga (DAAWO SAWIRRO)
- Xararakada Alshabaab ee Jubbooyinka oo Dad dembiyo loo heysto soo qabqabatay
- Isbitaalada MSF ee Guri cel iyo Beledweyne oo lagu qaabilay 111 dhaawac ah intii u dhexaysay 10-kii iyo 12-kii January