Xararakada Alshabaab ee Jubbooyinka oo Dad dembiyo loo heysto soo qabqabatay

Jimco, January 15, 2010(HOL):Howgalladan oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ciidanka xizbada alshabaab ee Jubbooyinka ay ka wadeen deegaanada koonfur galbeed ee gobolka j/hoose, ayaa waxa ay ku soo qabqabtee tiro dad ah kuwaasi oo la sheegay in si sharci darro ah ay u ooteen dhulal caan ah oo ka dhexeeya dadweeynaha dega deegaanada galbeed ee gobolka j/hoose.
 
C/casiis Samsamow oo kamid ah saraakiisha xizbada Maamulka alshabaab ee gobollada jubooyinka ayaa waxa uu sheegay in ciidanka ay todobaadyadii lasoo dhaafay howlgallo xooga ay ka wadeen deegaanada kala ah, Buuloxaaji, Biroole, Istanbul iyo deegaano kale oo ka tirsa galbeedka gobolka j/hoose.
 
Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgalladaasi ay ciidamadu ku burburiyeen dhulal ay xirxirmeysteen dadka xoolodhaqatada ah, kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo sharci darro ah, dhulalkuna uu ka dhexeeyo dhamaanba dadka soomaaliyeed ee dega gobollada jubooyinka.
 
Howgalladani ayaa yimid kagadaal markii uu maamulka alshabaab ee jubooyinka uu digniin u jeediyay dad la sheegay in ay xirxirmaystaan dhulalka caanka ah ee ka dhexeeya bulshada, sida waraha, Harooyinka, iyo Ceelasha.
 
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya