Jimco, 15 January 2010 (HOL)- Guud ahaan Deegaannada Mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland ayaa maanta laga arkay Qorrax-Madoobaad socday muddo saacado ah, taas oo keentay in loo dareero Masaajidada oo Salaad la oogo.
Qorrax-Madoobaadkan oo magaalooyinka Somaliland laga arkay abbaaro 7:45 subaxnimo ee saaka ee waqtiga Afrikada bari, ayaa socday muddo saddex saacadood ah, taas oo keentay in Dadweynaha ku dhaqan Somaliland u dareeraan Masaajidada, si ay u oogaan Salaad.
Inkasta oo bilowgii bishan January uu sanadka cusub la kowsaday dayax-madoobaad, haddana Qorrax-madoobaadkan ayaa dadweynuhu ka argagaxeen, maadaama sanadihii u dambeeyay aan Somaliland iyo dhulka Soomaalidu dagto laga arag Qorrax-Madoobaad.
Qorrax-Madoobaadkan ayaa hadh ku sameeyay qayb ka mid ah Cadceedda oo ay arkayeen dadweynaha Somaliland, taas oo sababtay in qayb ka mid ah qarsoomo Cadceedda iftiinkeedu.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland
Qorrax Madobaad maanta laga dareemay Puntland
Jimco, 15 January 2010 (HOL)- Waxaa Maanta barqanimadii laga arkay magaalada Bosaso Qorax Madoobaad aan horay loo shaacin ,kaasi oo saamayn ku yeeshay dhamaan Dadka Magaalada oo dhan
Culumaa,udiinka Bosaaso ayaa ku baaqay in rabi loo tukado ,waxaana Masaajiyada laga akhriyay khudbado muujinaya awooda ilaahey uu leeyahay,iyadoo lagu baaqay in ilaahay towbad dheeraad ah la waydiisto.
Khudbadihii maanta laga akhriyay Masaajidyada Bosaaso ayaa kuwada saabsanaa Qorax madoobaadka ka dhacay Qaybo kamid ah Somaliya,Waxaana lagu ducaystay in ilaahey uu umadiisa u danbi dhaafo dhibaatadana ka dul qaado.
Shiikh Fu,aad Maxamed aflow oo ka mid ah Culumaa,udiinka ugu waa wayn gobolka bari ayaa uga digay Dadka Bosaso in la fiiriyo qoraxda,isagoo tilmaamay in Fiirinta Qoraxda ay ka imaan karto dhibaato wayn oo dhanka caafimaadka ah.
Sido kale qorax madoobaadku waxa uu ka dhacay dhamaan magaalooyinka puntland iyo Qaybo ka mid ah dalka ,mana ahan qorax madoobaadkii ugu horeeyay ee ka dhaca Somaliya.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya