
Jimco, 15 January 2010 (HOL)-Guddoomiyha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo hadda socdaal ku jooga Dalka Maraykanka, ayaa kulamo la yeeshay Madax iyo Masuuliyiin ka tirsan aqalka Baarlamaanka iyo Xukuumadda dalkaas.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed laga soo saaray socdaalka Guddoomiyaha, Axmed-Siilaanyo oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar waxa ay kulamo la yeesheen Guddoomyaha Guddiga Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.
Kulankan dhex maray labada dhinac oo ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Marakanka ee Capitol Hill ee magaalada Washington, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo la xidhiidha xaaladda Somaliland ee siyaasadda waqtigan iyo arrimaha Doorashooyinka. Kuwaas oo la sheegay inay Dawladda Maraykanku tilmaantay in loo baahan yahay inay ku dhacdo waqtiga ugu habboon oo aanay dib u dhicin mar kale. 
Dhinaca kale, waxa ay Masuuliyiinta Maraykanku sheegeen in loo baahan yahay in dhinacyada Siyaasadda Somaliland ka wada-shaqeeyaan sidii doorasho xor iyo xalaal ahi uga dhici lahayd Somaliland. Waxa kale oo sida lagu sheegay Warsaxaafadeedkaas labada dhinac ka wada-hadleen xaaladda amni ee mandaqadda Geeska Afrika iyo xaaladaha amni-darro ee iska soo taraya. “Wuxuu Guddoomiye Axmed Silaanyo tilmaamay in shacabka Somaliland ay hawl adag iyo tacab badan u soo galeen nabadgalyada ka jirta Somaliland, loona baahan yahay in dawladda Maraykanku ay gacan wayn ka gaysato difaacidda iyo sugidda amaanka Somaliland. Waxayna masuuliyiinta Maraykanku sheegeen in ay Somaliland ka taageerayaan kor u qaadidda tayada Garsoorka iyo kobcinta fursadaha waxbarashada iyo dhaqaalaha dalka, laakiin loo baahan yahay in Somaliland la timaado maamul dawladeed hufan.” Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas.
Geesta kale, guddoomiyaha Kulmiye wuxuu kulan la yeeshay Masuuliyiin ka socotay Wasaaradaha arrimaha dibedda iyo Difaaca ee Dawladda Maraykanka.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland