Go’aanno ka soo baxay kulankii dhexmaray Madaxweynaha SOomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, January 15, 2010(HOL): Waxaa kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Shiikh Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Talyaaniga Franco Frattini, iyadoo kulankaasna ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dowladood.

Kulanka labada mas’uul dhexmaray oo ay uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ku saabsan sidii ay dowladda Talyaaniga gacan u siin lahayd dowladda Soomaaliya ayaa gunaanadkiisii waxa ka soo baxay qodobo dhowr ah oo ay labada dowladood isla gaareen, waxaana ka mid ahaa qodobadaas:

1.      In waddanka Talyaanigu uu safaaraddiisii ka furto caasimadda Muqdisho usbuucyo gudahood.
 
2.      In ay Qaramadda Midoobey , UN, AU ay iyana safaarado ka furtaan Soomaaliya.
 
3.      In dalka Talyaanigu ay qalabeeyaan Ciidamadda Badda iyo Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya, muddo gaabanna hawshaas lagu guda gallo.
 
4.      In ciidamo boolis ah tababar khaas ah looga furo magaaladda Nairobi, tababrkaas oo ay bixin doonaan ciidamadda Talyaaniga ee loo yaqaan Karbanyeeriga.
 
5.      In la taagero kobcinta & tayada Radiyo Muqdisho.
 
6.      In dawladda Talyaanigu ay xil iska saarto soo ururinta lacagihii ay ballan qaadeen dawladdo badan markii lagu shiray Brussels bishii April sannadkii hore.
 
7.      In waddanka Talyaanigu uu qabto shir maal gelin loogu ururinayo dib u dhiska Soomaaliya.
 
8.      In wax lala qabto Soomaalida ku nool dalka Talyaaniga ee bilaa sharciga ah.
 
9.      In shirka UK ka dhici doona, January 28, ee lagaga hadli doono argagixisada iyo Yemen, lagaga hadlo sidoo kale Soomaaliya.
 
10. In Talyaaniga uu kaalmo dhaqaale u geysto Soomaaliya.
 
11. In waddanka Talyaanigu uu bixiyo kharashka ku baxaya Wasaaradaha waaweyn ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kuwa Aminga iyo Wasaaradda Maaliyadda.
 
12.  Mudane Franco Frattini waxa uu sheegay, markii uu Nairobi ka tago, in uu la kulmi doonaa madaxda Jaamacadda Carabta, kuwa Masar iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, waxa uuna ballan qaaday in uu dhammaan ku boorrin doono, in ay  kaalmo la taaban karo u fidiyaan Dawladda FKM.





Hiiraan Online News Desk
[email protected]