Isbitaalada MSF ee Guri cel iyo Beledweyne oo lagu qaabilay 111 dhaawac ah intii u dhexaysay 10-kii iyo 12-kii January

Jimco, January 15, 2010(HOL): Inta u socday khasaaraha iyo waxyeelada ka soo gaaraysay bulshada rayadka ah dagalladda, Hay’adda MSF ayaa sii wadda taakulada cisbitaalada Guri cel iyo Beled Weyne, halkaas oo 111 dad dhaawac ah lagu qaabilay intii u dhexaysay 10-ka iyo 12-kii January.Badankoodu waxay qabeen, bur-bur lafaha, dhaawacyadad caloosha iyo feeraha 

12-kii January 20101, Markii Cisbitaalka Beledweyne uu ku dhacay Madfac, labo shaqaalaha hey’ada gargaarka caafimaad, Dhakhaatiirta aan Xuduuda Laheyn ee (MSF), ayaa ku dhaawacmay.

“In kabadan 200 oo ah Shaqaalaha MSF ayaa shaqaynaya habeen iyo maalin/saacad walbo si ay u fidiyaan daryeel caafimaad in kasto oo ay halistu jirto” ayuu yiri Madaxa MSF ee Soomaaliya Andreas Papp “12-kii January laba asxaabtayada ah  ayaa dhaawacmay,markii madfac uu ku qarxay gudaha isbitaalka Beled Weyne. Nasiib wanaag si weyn uguma aysan wax yeeloobin, lakiin mar kale ayaan rabnaa in aan xusuusino dhinacyadda ku dagaalamayo Somaliya in ay ixtimaan dhismooyinka caafimaad, bukaanadda iyo shaqaalaha caafimaad waxan ka codsanaynaa in in ay u ogolaadaan in MSF  ay soo mariso hawada iyo dhulkaba  agabka caafimaada(dowooyin iyo qalab iyo ) ee sida aadka ahi muctadka loogu yahay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay Hay’adda MSF.

MSF ayaa ka mid ah hey’adaha kaliya oo ka bixiya gudaha Soomaaliya qalliin lacag la’aan ah,iyo  daryeel caafimaad oo deg-deg ah, Shaqaalaha MSF waxay daweeyaan shaqsi kasto asaga oo aanan loo eegin qabiilkiisa, siyaasada uu aaminsanyahay, amba waxa uu taabacsanyahay diiniyan amba dhan militari.Lakiin noloshooda halis u ma galin karaan si ay howlahaas u qabtaan. Iska-hor-imaadyadaan cusub ayaa sababay barakaca kumanaan   ka qaxay madaalada Beled Weyne oo qur ah,.
 
Ugu dambeyntiina, Hay’adda MSF waxay ka shaqaynaysay gudaha Soomaliya ilaa iyo sanadkii 1991-dii.Gobolka Hiiraan, MSF waxa ay mashruuc ka dhex waddaa cusbitaalka gobolka ee qaada 99-ka sariirood ee magaalada Baladweyne iyada oo halkaa daryeel caafimaad oo heer sare ah ku siisa 280,000 oo qof oo deggan gobolka.Galgaduud  MSF waxay ka howl gasha Cusbitaalka Istarliin ee 80-ka sariirood qaada ee magaalada Guriceel MSF waxa ay laba rugo caafimaad ku leedahay Galgaduud: Mid xarunta gobolka ee Dhuusa Mareeb ku yaalla, iyo mid laga furey Xiindheer

MSF waxaa kale oo ay ka bixisaa daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah gobolladda Banadir, Bay, Jubada hoose,Shabeelaha dhexe, shabeelada hoose iyo Mudug.In ka badan 1,500 shaqaala somaliyeed ah oo ay caawinayaan ku dhowaad 90 shaqaale oo ku sugan Nairobi ayaa ku howlanaa fidinta daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, daaweynta nafaqo-xumada, siinta daryeel caafimaad iyo taageeridda dadka barakacay, qalliinka, qaybinta biyaha iyo gargaarka kale oo laga waday sagaal gobol oo dalka ka mid ah
 
Hiiraan Online News Desk
[email protected]