Axad, April 25, 2010 (HOL) Inta la ogyahay 5-qof ayaa ku dhintay 12-qof oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiic xooggan oo gallinkii dambe ee Maanta oo Axad ah la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho.
Duqeyntan ayaa waxay jawaab u ahayd sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan suuqa Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada oo ay ka socdaan shirar u lagu xallinayo khilaafaadyada u dhexeeya Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dhaawacyadii ka dhashay duqeynta oo kala duwanaa la gaarsiiyay Isbitaallada Muqdisho.
"Markii madaafiicdu bilaabanaysa waxaan ku sugnaa Isgoyska Howlwadaag, waxaan arkay dhimashada 5-qof oo ay ku jireen caruur iyo haween, kuwaasoo ay madafiic kula dhaceen xaafadahooda iyo isgoyska" ayuu yiri goobjooge isku magacaabay C/qaadir.
Sidoo kale madaafiicda oo ku dhacday xaafado ku yaalla Degmooyinka Wardhiigley ee Magaalada
Muqdisho ayaa sababay dhaawacyo gaaray dad rayid ah, iyadoo dadka wax ku noqday duqeynta ay dhamaantood ahaayeen rayid.
"Waxaan qaadnay dhaawacyada 12-qof, waxaana ka kala qaadnay suuqa Bakaaraha iyo xaafado ka kala tisran degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley" ayuu yiri Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa hay'adda gaadiidka gurmadka deg-degga ee Muqdisho.
Madaafiicda ay dhinacyada iska soo horeeda isku weydaarsadaan Magaalada Muqdisho ayaa waxay kahsaare kasoo gaartaa dadka rayidka ah, iyadoo kooxaha iska soo horjeeda ay isku eedeeyeen khasaaraha dhasha.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaafiic khasaare nafeed geystay oo gallinkii dambe ee maanta ku dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Maanta La Kulmay Golaha Wasiirada
- Xildhibaanno Muqdisho ku shiray oo magacaabay guddi soo xula cidda hoggaanka u qabanaysa Golaha Baarlamaanka
- Degmada Xamarjajab oo maanta loo magacaabay guddoomiye cusub
- Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay'adaha gargaarka oo maanta ka hadlay sidii loo gargaari lahaa dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan xasaasi ah kula yeeshay xafiiskiisa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
- Xildhibaanno sheegay inay xil ka qaadis ku sameyn doonaan saacadaha soo socda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
- Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka maanta uga furmi lahaa Golaha Shacabka ee Muqdisho oo mar kale uu ku yimid dib-u-dhac
- Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Bilowday Olole ku aadan Talaalka Caruurta
- Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo beeniyay in gaari nooca dagaallka ah oo dhinacooda ka soo goostay isku soo dhiibay Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan.