Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay'adaha gargaarka oo maanta ka hadlay sidii loo gargaari lahaa dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho

Axad, April 25, 2010 (HOL) Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya iyo hay'adaha gargaarka kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho kasoo saaray go'aan ahaa in la gargaaro dadka barakacayaasha ah ee ku nool Muqdisho iyo daafaheeda.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha, waxaana goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin ka socda NGO-yada Maxaliga ah ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Cariig oo saxaafadda la hadlay markii uu kulankan soo dhammaaday ayaa sheegay in doodo badan kaddib ay maamulka Gobolka iyo Hay'adaha gargaarka ay isla gartgeen in si wadajir ah loo gargaaro dadkii ka barakacay Degmooyinka Muqdisho.

"Hay'adaha gargaarka iyo maamulka waxaa horay u dhexmaray khilaaf, waxaana maanta laga hadlay dhamaan wixii horay u dhacay, iyadoo hay'aduhu ay aqbaleen inay la shaqeeyaan maamulka Gobolka" ayuu yiri Cariig.

Mas'uuliyiinta Hay'adaha gargaarka kulankaas uga qaybgalay ayaan ka hadlin wixii kasoo baxay kulanka, waxaana horay u jirtay in Maamulka Gobolka uu ugu baaqay hay'ado uu magacaabay inay dalka ka guuraan ama ay dadka gargaaraan.

Waa markii ugu horreysay oo kulan noocan oo kale ah uu dhexmaro maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay'adaha gargaarka iyo NGO-yada dalka ka howlgala, iyadoo maamulka Gobolka markii la dhisayay uu ballanqaaday inay la imaan doonaan waxqabad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya