Axad, April 25, 2010 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah kula qaatay Madaxtooyada Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankan oo loo diiday saxaafadda inay goobjoog ka ahaato ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Diinta iyo Owqaafta ee dalka Jabuuti Dr. Xaamud Suldaan oo muddo todobaad ku dhow ku mashquulsanaa xallinta khilaafaadka baarlamaanka.
Sheekh Shariif iyo xildhibaannadan ayaa waxay kulankooda diiradda ku saareen sidii loo xallin lahaa khilaafka u dhexeeya Xildhibaannada Baarlamaanka, kaasoo ragaadiyay howlaha baarlamaanka iyo tan xukuumadda.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Yuusuf oo kulankaas ka qaybgalay ayaa sheegay inay kala hadleen Madaxweynaha sidii loo furi lahaa kulammada baarlamaanka wixii la isku haystana loogu dhameyn lahaa doodo uu ka yeesho baarlamaanka.
"Madaxweynaha waxaan ka dalbanay in la furmo kulammada baarlamaanka lagana doodo wax walba oo khilaaf ah oo jira, balse haddii uu khilaafka sii jiro waxaa imaan karta in howlaha dowladdu ay gaabis noqdaan" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Sheekh Yuusuf.
Kulankan ayaa qayb ka noqonaya kulamo dhowr ah oo uu Madaxweyne Sheekh Shariif kula yeeshay Madaxtooyada Xildhibaano kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa iskasoo horjeeda oo ku aaddan sharci ahaanshaha guddoonka Baarlamaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan xasaasi ah kula yeeshay xafiiskiisa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Maanta La Kulmay Golaha Wasiirada
- Madaafiic khasaare nafeed geystay oo gallinkii dambe ee maanta ku dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho
- Xildhibaanno Muqdisho ku shiray oo magacaabay guddi soo xula cidda hoggaanka u qabanaysa Golaha Baarlamaanka
- Degmada Xamarjajab oo maanta loo magacaabay guddoomiye cusub
- Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay'adaha gargaarka oo maanta ka hadlay sidii loo gargaari lahaa dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho
- Xildhibaanno sheegay inay xil ka qaadis ku sameyn doonaan saacadaha soo socda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
- Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka maanta uga furmi lahaa Golaha Shacabka ee Muqdisho oo mar kale uu ku yimid dib-u-dhac
- Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Bilowday Olole ku aadan Talaalka Caruurta
- Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo beeniyay in gaari nooca dagaallka ah oo dhinacooda ka soo goostay isku soo dhiibay Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan.