Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka maanta uga furmi lahaa Golaha Shacabka ee Muqdisho oo mar kale uu ku yimid dib-u-dhac

Axad, April 25, 2010 (HOL) Kulankii baarlamaanka ee lagu waday in maanta oo Axad ah uu ka furmo Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa mar kale waxaa ku yimid dib u dhac, iyadoo loo sababeeyay dib u dhacan arrimo dhanka farsamada ah.

Dhowr jeer ayuu bishan oo keliya dib u dhacay kulanka baarlamaanka, waxaana mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ay u sheegeen HOL in dib u dhacan uu yahay mid salka ku haya khilaafka u dhexeeya baarlamaanka oo aan weli xal laga gaarin.

"Kualnkii Baarlamaanka ee maanta loo ballansanaa dib ayuu u dhacay, wuxuuna dib ugu dhacay howlo farsamo awgood" ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle oo warbaahinta Muqdisho la hadlay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shir jaraa'id shalay u qabtay saxaafadda ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka oo mideysan ay dhawaan ku kulmi doonaan xarunta Golaha Shacabka ee Muqdsiho isagoo aan sheegin xilliga uu dhacayo kulanka.

Bishan oo keliya ayay kulammo loo ballansanaa oo uu yeelan lahaa Baarlamaanka Soomaaliya dib loo dhigay, waxaana ciladaha laga dhigayay arrimo farsamo, iyadoo ay horay u sheegeen guddiga dayactirka sameynayay in lagu shiro karo golaha.

Furitaanka kulanka Baarlamaanka ayaan loo qaban xilli go'an oo uu furmayo, iyadoo weli uu taagan yahay buuqii u dhexeeyay Xildhibaannada baarlamaanka ee salka ku hayay sharci ahaanshaha guddoonka Baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya