Axad, 25, April, 2010 (HOL) Kadib markii maalintii shalay Waaliga Waalayada Goballka Hiiraan ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab uu sheegay in uu dhicood u soo goostay gaari ay lahaayeen Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca, ayaa waxaa warkaasi beeniyay oo waxba kama jirraan ku tilmaamay Sarkaal sare oo u hadlay Culim'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.
Aadan Cabdi Ciise Aadan Garaaso ee ka mid ah Saraakiisha Goballka Hiiraan ee Culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan uu ahaa mid la doonayay in lagu qaldo sida uu hadalka u dhigay iclaamka ama warbaahinta, waxaana uu sheegay in uusan jirin gaari ka goostay oo u galay dhinaca Al-shabaab.
Aadan Garaaso waxaa uu intaa ku darray in dhacooda ay qorsheynayaan weeraro sida uu hadalka u dhigay lagu qaado deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda sida Xabul Islaam iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee gacanta ku haya Goballka Hiiraan iyo guud ahaan bartamaha Soomaaliya.
''Haddii uu jirro gaari dhanacood u soo galay waxaa ay u soo badhigi lahaayeen Saxaafada ayuu yiri Aadan Garaaso oo la hadllay Warbaahinta Goballka Hiiraan ayuu yiri Aadan Garaaso oo intaa ku darray in dhawaan la maqlli doono warar ka duwan kuwa hadda ay Saxaafadu buun buuniso sida uu hadalka u dhigay.
Maalintii shalay ayeey aheyn markii Waaliga Walaayada Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab Shiikh Yuusuf Cali Ugaas uu sheegay gaari nooca dagaallka ah uu isku soo dhiibay Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan kaasoo sida hadalka u dhigay ka soo goostay dhinaca Ahlu Sunna Waljameeca.
C/raxamaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo beeniyay in gaari nooca dagaallka ah oo dhinacooda ka soo goostay isku soo dhiibay Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan.
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Maanta La Kulmay Golaha Wasiirada
- Madaafiic khasaare nafeed geystay oo gallinkii dambe ee maanta ku dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho
- Xildhibaanno Muqdisho ku shiray oo magacaabay guddi soo xula cidda hoggaanka u qabanaysa Golaha Baarlamaanka
- Degmada Xamarjajab oo maanta loo magacaabay guddoomiye cusub
- Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay'adaha gargaarka oo maanta ka hadlay sidii loo gargaari lahaa dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan xasaasi ah kula yeeshay xafiiskiisa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
- Xildhibaanno sheegay inay xil ka qaadis ku sameyn doonaan saacadaha soo socda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
- Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka maanta uga furmi lahaa Golaha Shacabka ee Muqdisho oo mar kale uu ku yimid dib-u-dhac
- Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Bilowday Olole ku aadan Talaalka Caruurta