Xildhibaanno Muqdisho ku shiray oo magacaabay guddi soo xula cidda hoggaanka u qabanaysa Golaha Baarlamaanka

Axad, April 25, 2010 (HOL) Xildhibnaannada gaaraya 315-mudane oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay magacaabeen guddi ay sheegeen inuu soo xulayo cidda hoggaanka u qabanaysa Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaashan ayaa waxay sidoo kale magacaabeen guddi kale oo ay sheegeen inay ugu talogaleen sidii uu beesha calaamka ku gaarsiin lahaa warbixinnadooda ku aaddan howlaha baarlamaanka.

Xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo saxaafadda la hadlay markii uu kulankooda soo dhamaaday ayaa sheegay in guddiga ay u xilsaareen magacaabidda guddoomiyaha shirarka baarlamaanka uu yeelanayo ayna ka kooban yihiin 15-xubnood, iyadoo guddiga kale uu ka kooban yahay 5-xubnood.

"Maadaama uu dhammaaday xilligii shaqo ee guddoonka baarlamaanka waxaan isla gaaranay inaan sameyno guddi soo xula qofka ugu weyn oo guddoomin doona shirka uu baarlamaanku yeelanayo" ayuu yiri Xildhibaan Islow oo ka mid ah xoghayeyaasha baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayay xildhibaannadan ugu baaqeen inuu xilka isaga dago, maadaama uu dhammaaday xilligiisii shaqo, iyadoo guddoomiyuhu uu horay u sheegay inuu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee Baarlamaanka, sabab uu isku caslina aysan jirin.

Xidhibaannada maanta kulanka yeeshay ayaa waxay sheegeen inay kulan la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya ayna ku ballameen in la qaboojiyo xiisadaha u dhexeeya baarlamaanka, tanina ay qayb ka tahay sida ay sheegeen qaboojinta khilaafka baarlamaanka ka dhex-oogan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya