Axad, April 25, 2010 (HOL) Munaasabad ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banadir ayaa waxaa maanta lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarjajab, kaasoo badali doona guddomiyihii degmadaas oo qarax lagu dilay.
Wareegto uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Nuunne) ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarjajab Cabdulbaasid Maxamed Xasan.
Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarjajab Axmed Sheekh Maxamuud (Qoorleex) ayaa waxaa lagu dilay qarax ka dhacay bishii hore gudaha degmadaas xili ay socotgay howlo lagu burburinayo guryo sharcidarro ah oo laga dhistay Afasiyooni.
Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dhowr qof ay isku soo sharraxeen xilkan balse uu ku guuleystay Cabdulbaasid, ayna codsanayaan in lala shaqeeyo.
Guddoomiyaha cusub oo ka hadlay xafladda magacaabiddiisa ayaa u mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna ka dalbaday dadka degmada Xamarjajab inay gacan ku siiyaan howsha cusub ee dusha loo saaaray.
Dadweynaha degmada Xamarjajab ayaa waxay dhowr jeer ka codsadeen maamulka in loo magacaabay xilkaas mid ka mid ah laba qof oo ay magacaabeen, balse lama magacaabin mid ka mid ah labadaas qof.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Degmada Xamarjajab oo maanta loo magacaabay guddoomiye cusub
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Maanta La Kulmay Golaha Wasiirada
- Madaafiic khasaare nafeed geystay oo gallinkii dambe ee maanta ku dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho
- Xildhibaanno Muqdisho ku shiray oo magacaabay guddi soo xula cidda hoggaanka u qabanaysa Golaha Baarlamaanka
- Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay'adaha gargaarka oo maanta ka hadlay sidii loo gargaari lahaa dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan xasaasi ah kula yeeshay xafiiskiisa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
- Xildhibaanno sheegay inay xil ka qaadis ku sameyn doonaan saacadaha soo socda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
- Kulan Xildhibaannada Baarlamaanka maanta uga furmi lahaa Golaha Shacabka ee Muqdisho oo mar kale uu ku yimid dib-u-dhac
- Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Bilowday Olole ku aadan Talaalka Caruurta
- Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo beeniyay in gaari nooca dagaallka ah oo dhinacooda ka soo goostay isku soo dhiibay Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan.