Xildhibaanno sheegay inay xil ka qaadis ku sameyn doonaan saacadaha soo socda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Axad, April 25, 2010 (HOL) Xildhibaannada kasoo horjeeda gudoonka baarlamaanka ee todobaadyadan shirarka ku lahaa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay saacadaha soo socda xilka ka qaadayaan Sheekh Aadan Madoobe.

Mudanayaashan oo gaaraya 309-mudane ayaa sheegay inay la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayna hortiisa xilka uga qaadi doonaan guddoonka sare ee Baarlamaanka.

"Kama qaybgalayno kulamo baarlamaan oo uu shir-guddoominayo Sheekh Aadan Madoobe, waxaa naga go'an inaan xilka ka qaadno Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa" ayay Xildhibaannadan u sheegeen Saxaafadda Muqdsiho.

Xildhibaannadan ayaa waxay saldhig u noqdeen khilaafka ka dhex oogan Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ku taagan yihiin jid sharciga isla markaana aysan jirin qof ay ka yeelayaan inay ka tanaasulaan.

Shir ka dhacay Madaxtooyada ayaa lagu go'aamiyay in Sheekh Aadan Madoobe loo qaado codka kalsoonida, taasoo ay mudanayaashan oo ay ku jiraan hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ay gaashaanka ku dhufteen kuna tilmaameen mid aysan aqbali karin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa isaguna ku adkeysanaya inuu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee Baarlamaanka, taasoo sare u sii qaaday khilaafka, dibna u dhigay furitaanka kulan uu baarlamaanku maanta yeelan lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya