5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 11, 2009
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Degmada Guriceel

Axad, January 11, 2009(HOL): Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo maanta ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka maanta ka dhacay Degmadaas oo ahaa mid xooggan, isla markaana dhexmaray Xoogag u kala daacad ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa wuxuu geystay dhimashada dad gaaraya 30 ruux iyo dhaawac intaas ka badan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay u badnaayeen dhinacyadii dagaallamayay inkastoo ay jiraan dad rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay rasaastii iyo madaafiicdii ay labada dhinac isku ridayeen.

Afhayeen u hadlay Xoogagga Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu magacaabo C/risaaq Maxamed Cali (Ashcari) ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in ay dagaalkii maanta khasaare ugu geysteen dhinacii kale ee dagaalka kala soo horjeeday, wuxuuna carrabka ku dhuftay in xoogagga Al-Shabaab ay Dagaalka u soo adeegsadeen dhalinyaro aad u da’ yar, kuwaasi oo uu ehelladoodii tacsi u diray.

“Dhinacii weerarka nagu soo qaaday khasaare xooggan ayaan u geysannay, waxaana dagaalka uga geeriyooday ninkii dagaalka hoggaaminayay oo lagu magacaabo Tima-jilic”ayuu yiri Shiikh C/risaaq Maxamed Cali (Ashcari) oo dhinacooda sheegay in ay dagaalka uga dhinteen seddex Shiikh, waa sida uu hadalka u yiriye.

Ma jiro ilaa iyohaatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ku saabsan waxa ka jira in dagaalkii ka dhacay Guriceel dhibaato xooggan loogu geystay, isla markaana uu dagaalkaas kaga dhintay hoggaamiyihii dagaalka.

Xaaladda Degmada Guriceel ayaa haatan waxay tahay mid aaney wax dagaallo ka jirin, inkastoo ay jirto cabsi ku saabsan in dhinacyada dhawaanahan ku dagaallamayay degmadaas uu mar kale dagaal ka dhex qarxo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia