Axad, January 11, 2009(HOL): Xaaladda Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa xalay iyo saaka degan, inkastoo la sheegayo in ay jirto xiisad dagaal oo ay dareemayaan dadka degmadaas ku dhaqan.
Deganaashaha degmadaas ayaa waxay timid kadib dagaallo xooggan oo shalay lago jeer ka dhacay, kuwaasi oo u dhaxeeyay Xoogagga kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka.
Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad ayaa midkii dhacay gelinkii hore waxaa gacan ku heynta degmada kula wareegay Xoogagga Maxkamadaha Islaamka, halka midkii dhacay gelinkii dambena ay magaalada dib ugu qabsadeen Xoogagga Al-Shabaab oo ilaa iyo haatan gacanta ku haya degmadaas.
Dadka ku dhaqan Degmada Balcad oo dagaalladaas ay saameyn ku yeesheen ayaa waxay dhinacyada dagaallamaya ka codsadeen in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay u naxariistaan dadka maatida ah ee ay korkooda ku dagaallamayaan.
Wixii ku soo kordha xaaladda degmada Balcad kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia