Axad, January 11, 2009(HOL): Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah Gobolka Mudug ayaa waxay shuruud ku xireen in ay ku laabtaan Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan/Avv. Caydiid C/llaahi Ilka-Xanaf oo isagoo ku sugan Magaalada Gaalkacyo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta ay shuruudaha ugu xireen tegitaankooda Baydhabo ay tahay in ay jiraan sababihii ay uga soo tageen Magaaladaas.
“Magaalada Baydhabo ma jirto sabab gaar ah oo aan u diideyno in aan tagno, waxayna ka mid tahay magaalooyinka dalka Soomaaliya, balse waxaa ka jira waxyaabihii aan uga soo tagnay oo ay ugu horeeyaan nabadgelyo-darro.
Xildhibaan Caydiid C/llaahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay in haddii ammaanka Baydhabo uu hagaago, isla markaana la qabanayo doorasho xaq ah oo xor ah ay tegayaan Baydhabo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in inta uu ammaanka xun yahay ay ka fiirsanayaan in ay halkaas tagaan.
Mar wax laga weydiiyay in uu soo gaaray baaq ka yimid sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ahaa in ay Xildhibaannada Baarlamaanka Baydhabo isugu tagaan ayaa wuxuu sheegay in aysan weli farriintaas soo gaarin.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay iyana Nairobi ka sheegeen in aysan tegeynin Magaalada Baydhabo, iyagoo taasina ku sababeeyay in uusan weli hagaagsaneyn Ammaanka Magaaladaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia