Axad, January 11, 2009(HOL): Hal qof ayaa geeriyooday 11 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii maqaayad ay ku caweynayeen lagu tuuray bambo gacmeed.
Qofka dhintay iyo kuwa kale ee dhaawacmay ayaa waxay ku jireen Maqaayad ku taala qeybta lagu iibiyo qalabka dhismaha guryaha ee Suuq Bacaad ee Magaalada Muqdisho, waxaana dhawaqa qaraxa lala beegsaday dadkaas laga maqlayay xaafado dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.
Dad degan nawaaxiga Maqaayada qaraxa lala beegsaday ayaa waxay sheegeen in maqaayaddaas lagu qayili jiray, isla markaana qamaarka lagu ciyaari jiray, iyagoo intaas ku daray in milkilaha maqaayaddaas dhowr jeer loo geeyay warqado digniin ah oo loogu sheegayo in uu joojiyo qamaarka iyo falalka kale ee maqaayaddaas lagu hayo.
Ma ahan maqaayaddii ugu horeysay oo Muqdisho ku taala oo qarax lala beegsado, waxaana horay u jiray maqaayado dhowr ah, kuwaasi oo qaarkood loo bartilmaameedsaday in ay wax ka iibiyeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa in muddo ah waxaa caadi ka ahaa qaraxyada lala beegsado mas’uuliyiinta Dowladda, gaadiidkooda iyo xarumahooda iyo goobaha looga shakiyo in lagu hayo falal aan wanaagsaneyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia