Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo markii ugu horeysay ka hadlay qorshaha Maamulkiisa kaga aadan Burcad Badeedda

Axad, January 11, 2009(HOL): Madaxwaynaha Cusub ee DGPL ayaa markii ugu horaysay ka hadlay in maamulkiisa uu wax wayn ka qaban doono dhibaatada burcad badeedu ay ku hayaan xeebaha Gacanka cameed ee ku teedsan biyaha Somalia gaar ahaan xeebaha Puntland.

Madaxwayne C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in is-badallada uu maamulkiisu doonayo ay ugu soo horayso yareynta Burcad badeedda, isagoo intaasi ku daray  in maamulkiisu uu tagi doono degmada Ayl oo afduub loogu haysto in kabadan 14 markab  oo laga leeyahay dalal caalamka ka tirsan.

Hadalkaan ayuu madaxwaynaha ka hor sheegay xili uu qada sharaf u sameeyay xildhibaanada Baarlamanka Puntland iyo musharaxiintii  uu ka guulaystay, waxaana uu ka codsaday musharaxiinta in ay la shaqeeyaan  si looga hor tago dhibaatada Burcad Badeedda.

"Waa Muhiim in laga shaqeeyo danaha umadda Puntland  raalina ka noqon maayo maamulka Puntland in burcaddu ay sii kordhaan" Sidaas waxaa yiri Madaxwaynaha cusub ee Puntland C/raxmaan Faroole.

Dhinaca kale Madaxwayne Faroole ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo Golaha Xukuumadiisa is ay u bedaleen kuwii horay xilka u hayay, waxaana maalmo kadib lagu wareejinayaa aqalka madaxtooyada ee magaalada Garowe.

In badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan DGPL ayaa aaminsan in Madaxwaynaha cusub uu isbadal ku soo kordhin doono  Puntland, bacdamaa uu helay codadka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland kana guulaystay Musharaxiin isaga la tar tamaysay.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia