Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo dhamaadka bishan Dowlad-Midnimo-Qaran ku dhisaya Jibouti

Axad, January 11, 2009(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa waxay ku heshiiyeen in ay doorasho dowlad loo dhan yahay ay ku qabtaan  20 ilaa 26 bishan Dalka Jibouti, waa sida lagu xusay war murtiyeed ka soo baxay  Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.

Warkan ayaa waxaa laga soo saaray kadib shir ay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ay ku yeesheen Mas’uuliyiin ka socday Dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo kuwa u diraya, dhinacyada Soomaalida, Qaramada Midoobay iyo Itoobiya oo madax ka ah Urur Goboleedka IGAD.

Shirkaas ayaa waxaa dib loogu eegay xaaladda siyaaso iyo ammaan ee dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale hoosta loo xariiqay dadaallada socda ee ku aadan soo qaabeynta Baarlamaan loo dhan yahay oo loo sameeyo Soomaaliya, kaasi oo isna soo dooran doona madaxda dalka Soomaaliya, iyadoo markaasna la dhaqangelinayo heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay in la kordhiyo Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya, isla markaana lagu biiriyo Ciidamo kale oo ka socda Dalal ka tirsan Midowga Afrika, kuwaasi oo haatan laga filayo Dalalka Ghana, Nigeria, Burkina Faso iyo kuwo kale, iyadoo ka hor inta aan ciidamadaas loo dirin Soomaaliyana ay todobaadka soo socda soo gaari doonaan Geeska Afrika Wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Dowladda Uganda ayaa waxay ahayd dowladdii ugu horeysay oo Ciidamo u dirta Soomaaliya, iyadoo dowladdii labaadna ay noqotay Dowladda Burundi, waxaana labadaas dal ka jooga Soomaaliya Ciidamo gaaraya 3,200 oo Askari.

Soo qaabeynta Dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo oo baarlamaankeeda uu ka kooban yahay 550 Mudane ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo dhawaan uu xilka madaxweynenimada iska casilay madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, kaasi oo la rumeysan yahay in uu is-casilay kadib markii ay soo food-saareen culeysyo caalami ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia