Dagaal mar kale ka dhacay Guriceel

Axad, January 11, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in uu saaka mar kale degmadaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya xoogag kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Dagaalkan oo bilowday aroor hore oo saaka ah ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay hawada ka maqan tahay Isgaarsiintii Degmadaas ku xiri jirtay Degmooyinka kale ee dalka iyo weliba dalka Dibaddiisa.

Dhawaqa Madaafiic dagaalkan la isugu adeegsaday ayaa waxaa saaka laga maqlayay meelo ka fog fog halka uu dagaalka ka dhacay, waxayna dadka deegaannadaas ku dhaqan ay sheegeen in dagaalka uu u muuqday mid xooggan.

Dagaalka ayaa wuxuu bilowday kadib markii ay xoogagga Al-Shabaab weerar ku qaadeen xoogag ka tirsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, kuwaasi oo dhawaanahan gacanta ku hayay  Degmada Guriceel.

Waxay ahayd markii afaraad ee uu dagaal ka dhaco degmadaas, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay isla dhinacyadan. Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalkan kala soco halkan haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia