![]() |
| Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya-Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) |
Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in doorashadaas ay ka dhici doonto magaalada Baydhabo, wuxuuna mudanayaasha Baydhabo ka maqan uu ugu baaqay in ay si dhaqso ah u soo gaaraan Baydhabo, si ay doorashada uga qeybgalaan.
Waxaa uu sheegay in la diyaariyay Guddigii doorashada Madaxweynaha, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dhawaan baarlamaanka laga hor-aqrin doono xubnaha guddigaas iyo howsha ay qabanayaan.
Mar wax laga weydiiyay sida ay isu qabanayaan in Beesha Caalamka ay daneyneyso in 20-ka ilaa 26-ka bishan ay Jibouti ka dhacdo doorashada madaxda Dowlad-Midnimo-Qaran iyo in Madaxweynaha Dowladda Federaalka la doorto 26-ka bishan ayaa wuxuu sheegay in uusan weli soo gaarin qorshaha shirka Jibouti ka dhacaya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aanu ka soo horjeedin in heshiiskii Jibouti laga miro-dhaliyo, isla markaana la doorto dowlad loo dhan yahay.
Shiikh Aadan Madoobe waxaa farta ku fiiqay in ay ku dhaqmayaan Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo aan weli wax ka bedel lagu sameynin, “Qodobka doorashada madaxweynaha weli wax ka bedel laguma sameynin, kaasi oo haddii wax laga bedelayo loo baahan yahay 184 cod oo ah seddex meelood labo codadka xubnaha Baarlamaanka”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, “Ra’iisal Wasaaraha intii xilka loo magacaabay ilaa iyo hadda waan wada shaqeyneynay, haatanna si isku mid ah ayaan u wada shaqeynaa”ayuuna yiri.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadalka Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo War-murtiyeed ka soo baxay Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ay 20-ka ilaa 26-ka bishan Jibouti ku dooranayaan madaxda Dowlad-Midnimo-Qaran oo ay yeelato Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
