Axad, February 08, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa cabasho ka muujiyay hadal uu shalay sii daayay Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar oo ah Gudoomiyaha Xisbi la magac baxay Xisbul Islaam oo dhawaan ay sameystay afar kooxood oo ka mid ah xoogagga ka dagaallama Soomaaliya.
Afhayeeka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in Dr. Cumar Iimaan oo ay ku yaqaaneen in uu yahay nin Wadaad ah oo aqoon diimeed leh uu dushooda dagaal kaga baaqo isagoo muddo labo sanadood ah dalka ka maqnaa.
“Dr. Cumar Iimaan ma ahayn wax aan ka fileynin in uu dusheena dagaal kaga dhawaaqo oo uu yiraahdo waan sii dagaallameynaa, waxaan ka fileynay in uu na salaamo oo uu na xog wareysto maadaama aan annaga dalka joognay intii ay Ciidamada cadawga joogeen, dhibaato badanna ay naga soo gaartay”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.
Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu intaas ku daray in marka uu hadalkaas soo gaarayay ay la ballansanaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam, kuwaasi oo uu ka xusay Shiikh Xasan Mahdi iyo xubno kale, “Annagu waxaan leenahay ha laga laabto dagaal dambe oo dushooda laga rido dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo muddo labo sano ka badan ay dhibaato ku hayeen ciidamadii dalka ku soo duulay”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in aaney jirin cid ay si gaar ah u taageersan yihiin, isla markaana ay yihiin Odayaal dadka oo dhan u siman oo diyaar ah haddii laga dalbado in ay wax dhexdhexaadiyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo cabasho ka muujiyay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Xisbul Islaam
More News
- Wasiirka Caafimaadka Puntland oo sheegay in Isbitaallo cusub laga hirgelinayo meelo ka mid ah Puntland
- Madaxweynaha Soomaaliya oo shir looga hadlayo Ammaanka Dalka ku shir guddoomiyay Magaalada Muqdisho
- Is rasaaseyn ka dhacday degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan iyo Rag Culimo ah oo halkaa lagu xir-xiray
- Dagaal ka dhacay Muqdisho
- Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo maamulka gudaha ee Maxkamadaha Islaamka?
- Agaasimaha Idaacadda Cabuud-waaq oo la dhaawacay
- Wariyayaasha soo barakacay ee ku sugan Nairobi oo kulan baroor-diiq ah u sameeyay Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik ee la dilay