
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow
Axad, February 08, 2009(HOL): Waxaa shalay magaalada Muqdisho shir ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxda Maamulka gudaha ee Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna ahaa shirkaas ahaa mid waqti dheer qaatay oo looga hadlay arrimo dhowr ah.
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow oo kulankaas ka qeybgalay ayaa HOL u sheegay in shirkaas looga hadlay arrimo ku saabsan sugidda ammaanka iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen in la mideeyo xoogagga muqaawamada, meelna la isugu keeno, in daryeel loo fidiyo dadkii ku waxyeeloobay dagaalladii dalka looga saaray Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan Agoonta iyo Xaasaskii ay ka geeriyoodeen rag ku shahiiday dagaalladaas iyo in Dowladda Soomaaliya ay dadka ku dhaqdo Shareecada Islaamka.
“Dhamaan qodobadaas waxay ku soo dhamaadeen si af-garad leh, waxaana jiri doona kulamo kale oo iyana looga hadli doono arrimo kale oo u badan sidii la isaga kaashan lahaa in ammaankii iyo kala dambeyntii la soo celiyo”ayuu yiri Shiikh C/raxiin Ciise Caddow.
Dhanka kalena Shiikh C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu ka hadlay madaafiic hoobiyayaal ah oo loo tuuray dhinaca Xarunta Villa Somalia, wuxuuna sheegay in aysan madaafiic ku dhicin gudaha xaruntaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay in laga wanaagsanaa in falkaas lagu kaco.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu maanta kulamadii labaad kula leeyahay Xarunta Villa Somalia dad ka socda qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, sida Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia