Axad, 8, Febaraayo, 2009 (HOL) Wararka laga helayo Degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay laga maqlay qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada ka kooban tahay rasaas ka dhaceysa hubka fudud sida ay HOL u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Is-rasaaseynta ayaa bilaabatay kadib markii sida wararku ay sheegayaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan degmada Xabsiga dhigaan qaar ka mid ah Culimada Tabliiqa oo maalmihii aynu soo dhaafnayba halkaas ku sugnaa, lamana oga sababta keentay xarigga Culimada.
Is-rasaaseynta ka dhacday Degmada Buula-burte ayaa ku soo beegtay xili Magaalada Beledweyne ay ku sugan yihiin Wafdi ka tirsan UN-ka kuwaas oo Goballka u yimid in ay eegaan Xaaladda Degmada Buula-burte oo bur bur xoog lihi ka muuqdo, waxaana wafdiga soo gaaray Magaalada Beledweyne horay u sheegay imaanshahooda xubno ka tirsanaa Hay'adda WFP oo socdaal ku soo gaaray Magaalada Beledweyne dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay, waxaana la ogeyn in wafdiga ka socda UN-ka gaari doonaan degmada Buula -burte.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Is rasaaseyn ka dhacday degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan iyo Rag Culimo ah oo halkaa lagu xir-xiray
More News
- Wasiirka Caafimaadka Puntland oo sheegay in Isbitaallo cusub laga hirgelinayo meelo ka mid ah Puntland
- Madaxweynaha Soomaaliya oo shir looga hadlayo Ammaanka Dalka ku shir guddoomiyay Magaalada Muqdisho
- Dagaal ka dhacay Muqdisho
- Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo maamulka gudaha ee Maxkamadaha Islaamka?
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo cabasho ka muujiyay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Xisbul Islaam
- Agaasimaha Idaacadda Cabuud-waaq oo la dhaawacay
- Wariyayaasha soo barakacay ee ku sugan Nairobi oo kulan baroor-diiq ah u sameeyay Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik ee la dilay