Axad, February 08, 2009(HOL): Agasimahii Idaacadda Radio Cabuudwaaq Inj. Cali Xasan Bulxan ayaa waxaa dhaawac loogu gestay magaalada Cabuudwaaq bartamaheda, iyadoo xiliga la dhaawacyayna uu ku sugnaa meel uu shir ka dhacayay.
Nin Mindi ku hubeysan ayaa la sheegay in uu Agaasimaha soo weeraray, isla markaana uu ilaa 7 meelood kaga dhuftay mindida. Agaasimaha oo dhaawaciisa uu noqday mid wax looga qaban waayay gudaha Cabuudwaaq ayaa waxaa loo qaaday dhinaca Magaalada Gaalkacyo.
Ma ahan markii ugu horeysay ee lala beegsado dil qof Saxafi soomaaliyeed ah.Dilka iyo dhawacyada wariyaasha ayaa caadi ka noqday dalka soomaliya, waxayna ahayd labo maalin ka hor markii lagu dilay magaalada muqdisho Agaasimahii Idaacadda Horn Afrik Alle ha u naxariistee Saciid Tahliil Axmed.
Cabdiraxmaan Diiriye Nuur Hiiraan, Online
[email protected]
Nairibi Kenya