![]() |
| Madaxweynaha Soomaaliya-Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Sawirka: Simon Maina/AFP |
Shirkan ayaa wuxuu la yeeshay madaxweynaha Wasiirro ka socday Xukuumaddii hore ee Soomaaliya, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo xubno ka socday Guddiyadii Ammaanka TFG-da iyo ARS, iyadoo shirkaasna warbixinno ku saabsan ammaanka dalka lagu siiyay madaxweynaha.
Afhayeenka Xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon oo shirkaas ka qeybgalay ayaa saxaafadda u sheegay in waxyaabaha laga hadlay ay ugu muhiimsaneyd in ciidamo mideysan oo ammaanka suga si dhaqsi ah loo sameeyo.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu Xarunta Villa Somalia ka wadaa kulamo uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banaadir, wuxuuna haatan shirar la leeyahay Culumaa’udiinka musaalixada iyo sixtaanka iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye.
Wixii ka soo baxa kulamada dambe, halkan kala soco haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
