Wasiirka Caafimaadka Puntland oo sheegay in Isbitaallo cusub laga hirgelinayo meelo ka mid ah Puntland

Axad, February 08, 2009(HOL): Wasiirka  Wasaaradda Caafimaadka DGPL  Bashiir Cali Biixi oo maanta dhagax dhigay cisbital cusub  oo Garowe laga dhisayo ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka  ay bilaabi doonto qorshayaal wax looga qaabanayo baahida loo qabanayo cusbitaallo dheeri ah oo laga dhisayo gudaha DGPl.
 
Wasiirka Caafimaadka Bashiir Cali Biix ayaa ku canaantay xukuumadii hore in ay ka gaabisay dawrkeedi ku aadaana waxka qabashada arimaha caafimaadka ,isagoo intaasi ku daaray in wasaaraddiisu ay dadaal ballaaran u gali doonto sidii loo heli lahaa isbitaallo iyo xarumo caafimaad oo ku filan DGPL.
 
Waa Markii ugu horeysay oo ay xukuumadda cusub la kawsato isbitaal cusub ,kaasi oo ay maalgelisay hay’adda AlManhal oo kaashanaysa wasaaradda Caafimaadka DGPl  ,waxaana wasiirka  uu maamulka degmada Garowe ku ammaanay dawrka ay ka qaadanayaan hirgelinta mashaariicda caynkaan oo kale ah.
 
"Waxaan bilaabi doonnaa haddii Alle idmo  xarumo caafimaad oo aan ka hirgalineyno meelo ka mid ah tuulooyinka fog fog ee DGPL" ayuu yiri Wasiirka cusub ee caafimaadka DGPL Xili uu hadal ka jeedinayay magaalada Garowe.
 
Docda kale madxwaynaha DGPl C/raxmaan Faroole oo xalay ka  qayb galay kulan  ay ganacstada Puntland ku midoobayeen ayaa ku amray ganacstada in ay dhisaan wadada dheer ee u dhaxaysa magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacyo ,isagoo dhinaca kalena ku amaanay ganacstada dawrka ay inta badan ka qaataan arimaha horumarinta dalka.
 
Hadalka Madaxwaynaha ayaa ku soo aadaya ,iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay shilal kala duwan ka dhacayeen wadooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso gaar ahaan gawaarida xumuulka qaada.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia