Dagaal ka dhacay Muqdisho

Axad, February 08, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana socday muddo 30 daqiiqo ah ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay xoogag hubeysan weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamadaas ku sugan yihiin oo kala ah Kuliyaddii Jaalle oo ay Ciidamada Amisom degan yihiin iyo Isbitaallada Xoogga iyo Digfeer oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka.

Khaasaraha uu geystay dagaalkan ayaa wuxuu gaarayaa inta la xaqiijiyay 3 dhimasho ah iyo 3 dhaawac ah, waa sida uu xaqiijiyay Madaxa Hay’adda Life Line Afrika oo si weyn uga qeybqaadata gurmadka loo sameynayo dadka dagaallada ku dhaawacma, isla markaana Gaadiid Ambulance ah ugu deeqday dadka Muqdisho.

Rufaaci Maxamed Salaad oo ah madaxa Hay’addaas ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay u xaqiijiyeen samafalayaasha ku howlana gurmadka deg degta ah, wuxuuna caddeeyay in dadka dhibaatada soo gaartay oo rayid ahaa ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhawaanahan ka nasatay dagaalladii ka dhici jiray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia