
Axad, February 08, 2009(HOL): Munaasabad weyn oo loogu baroor diiqayay dilkii allaha u naxariistee weriye Siciid Tahliil Axmed oo ahaa agaasimihii idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho oo kooxo hubeysan ay Arbacadii ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha ayay suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka soo barakacay dalkooda ku qabteen Hotelka Andulus ee magaalada Nayroobi.
Munaasabadda oo uu soo qabanqaabiyay guddiga suxufiyiinta dibad joogga ah ee fadhigiisu yahay Nayroobi ayaa waxaa lagu casuumay weriyeyaal iyo marti sharaf kale, kuwaasoo ka waramay taariikhda iyo shaqsiyaddii Marxuum Siciid Tahliil Axmed.
Waxaa ka mid ahaa weriyeyaashii ka hadlay munaasabaddaas C/raxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo ahaa agaasimihii Idaacadda Somaliweyn oo isaga laftiisa ay ka soo gaartay dhibaato isagoo ku gudajira howlihiisa saxaafadeed kadib markii xarig loo geystay ayaa sheegay in uu aad uga naxay markii uu maqlay geerida Marxuum Saciid Tahliil oo uu sheegay inuu ahaa nin geesi ah oo ay dishay gacan ka gar darran.
Weriye C/xakiin Cumar Jimcaale oo laftiisa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray magaalada Muqdisho bishii Agoosto 2007 oo ilaa haatan uu ka muuqdo dhaawacyadii ka soo gaaray weerar lagu qaaday ayaa sheegay in dilka loo geysanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed ay sii kordhayaan loona baahan yahay in dhinacyada ku lugta ah in ay joojiyaan, "waxaa dhici doonta in la waayo weriye ka soo warama dalka haddii ay sii socdaan dilalkaan" ayuu yiri C/xakiin Cumar Jimcaale.
Rug caddaaga saxaafadeed Xasan Ciise Cali (Xasan Kuuriya) oo muddo dheer ku soo jiray saxaafadda ayaa isna hadal uu ka jeediyay munaasabaddaas Tacsi ugu diray bahweynta saxaafadda iyo qoyskiiiyo caruurtii uu ka geeriyooday Marxuum Saciid Tahliil Axmed, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa asxaabtii ayiskala soo shaqeeyeen Raadiyo Muqdisho oo uu sheegay in uu yimid 80-meeyadii kana mid ahaa arday ka soo qalan jebisay kulyaddii Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, "ma aha in laga leexleexdo cidda dishay weriye Saciid Tahiil, intii halkan ka hadashay waxay tiri gacan ka gardarran ayaa dishay miyaa laga gabaanayaa cidii wadday wariyaha iyo agaasimeyaashii kale ee idaacadaha ayaa mas'uul ka ahaa" ayuu yiri Xasan Kuuriya.

Sidoo kale waxaa iyagana munaasabaddaas ka hadlay qaar ka mid ah werieyaashii ay Siciid Tahliil iskala soo shaqeeyeen idaacadda Horn Afrik oo ay ka mid ahaayeen Aweys Maxamed Nuur (Foodey), Maxamed C/llaahi Siidii, Canab Maxamed Yare iyo weriyeyaal kale kuwaasoo ka waramay shaqsiyaddii Marxuumka oo ay sheegeen inuuahaa nin fur furan oo daacad u ah howshiisa, isla markaana ah geesi markii uu howshiisa saxaafadeed sii watay xilli werieyaal fara badan ka soo qaxeen Idaacadda uu agaasimaha ka ahaa.
C/llaahi Maxamed Xuseen (Taajiroow) oo ah guddoomiyaha guddiga suxufiyiinta dibad joogga oo isna ka hadlay munaasbadda ayaa ugu dambeyntii Tacsi u diray qoyska iyo caruurtii uu ka geeriyooday Weriye Siciid Tahliil,wuxuuna ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo ciddii dishay lana horkeeno cadaaladda.


Xuseen Qaasim Nuur (SHIIKHA)
[email protected]
Nairob, Kenya