Arbaco, 9 September 2009 (HOL): Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland, ayaa ka hadlay dhacdadii shalay ee Xukuumadda Somaliland kula wareegtay Xarunta Baarlamaanka iyo hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Labada xisbi Mucaarad ee UCID iyo KULMIYE, ayaa war-murtiyeed wadajir ah ka soo saaray dhacdadii shalay ka dhacday Golaha Wakiillada Somaliland. Warsaxaafadeedkaas oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyayaasha labada xisbi – Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu u dhignaa sidan;
“Waxay labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE cambaaraynayaan falkii foosha xumaa ee saaka ka dhacay Xarunta Golaha Wakiillada ee Hargeysa. Waxay ummadduhu ku horumareen, kuna hanaqaadeen, ku dhaqanka iyo xormaynta shuruucda ay dhigteen, waxaana uga mas’uul ah dejinta iyo ilaalinta xeerarka golayaal leh haybad iyo xasaanad, kana wakiil ah Bulshada. Waxa nasiib-darro ah, Golaha Wakiillada oo ku yimi nidaamka dimuqraadiga ah, Dadweynuhuna soo igmaday oo la kawsaday carqaladooyin taxane ah oo kaga imanaayay xagga Xukuumadda, curyaamisayna xil-gudashadoodii. Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE, waxay u arkaan dhacdadaas u dambaysay ee Golihii albaabada loogu xidhay, Shirguddoonkii lagu dhaleeceeyey mid aan waafaqsanayn Sharciga.
1-Waxaan u aragnaa in Goluhu xaq iyo xushmadba u leeyahay inuu si madaxbanaan ku guto xilkiisa Distooriga ah, cidina ku fara-gelin karin hawl-maalmeedkiisa.
2-Waxa labada Xisbi iyo Ummadduba ogsoon yihiin in waaxda Fulintu awood Sharci u lahayn, iskuna hortaagi karin hawlaha Qaran ee ummaddu u igmatay Golaha Sharci-dejinta, balse waxay noogu muuqataa in awood sheegasho, muquunin iyo inqilaab geedi-socodkii dimuqraadiyada lagu sameeyey, si kursiga loogu negaado.
3-Waxa ah wax laga xumaado in nin Wasiir sheeganayaa uu si badheedh ah dusha uga saaro dambi culus oo Qaran dumis ah madaxda maamuus ahaan uga sareysa (Shirguddoonka Golaha Wakiillada), isaga oo aan haynin wax caddayn ah. Arrintaasi waxay muujinaysaa burburka ku yimi hay’adihii Qaranka ee ay ahayd inay is-qadarin, xushmad iyo wada shaqayn ka dhaxayso. Waxa saaka 08/09/09 shirkoodii caadiga ahaa isugu yimid xildhibaanada Golaha Wakiillada, si u gutaan waajibaadkooda Distooriga ah, iyagoo halkaas kaga doodayay labada mooshin ee kala ah:
1-Xilka xayuubinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
2-iyo in wax-ka-bedel lagu sameeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Intaas ka dib, Shirguddoonku waxa uu ka codsaday la taliyaha sharciga ee Goluhu inuu akhriyo wuxuu sharcigu ka qabo labadaas mooshin. Markii ay doodii furantay, waxa hadalkii la siiyey xildhibaanadii Golaha fadhiyey, waxa halkaas isku fara saaray laba xildhibaan oo ka kala tirsan muxaafidka iyo mucaaridka, hase yeeshee, waxay xildhibaanada UDUB markiiba golaha ka bilaabeen buuq iyo sawaxan ay hore u soo qorshaysteen, mid ka mid ah xildhibaanada UDUB ah ayaa la soo baxay Baastoolad, una hanjabay shir-guddoonka Golaha Wakiillada, waxay arrintaasi sababtay in la carqaladeeyo habsami-usocodkii shirka. Carqaladaynta Goluhu halkaas kumay koobneyn, waxa isla markiiba xoog ku soo galay gudaha Golaha ciidamo hubaysan oo ka tirsan Booliska, waxayna amar ku siiyeen inay xildhibaanadu si degdeg ah uga baxaan Golaha, iyaga oo la wareegay maamulkii Golaha, albaabadana u xidhay.
Waxaynu ka dharagsannahay inay qorshaha ugu jirtay Xukuumadda is-hortaaga mooshinkan maamuus ka xayuubinta ah ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxayna adeegsatay lacag lagu iibsado xildhibaanada iyo caqa-juglayn lagula dhaqmo xildhibaanada qaarkood.
Haddaba, markii Xukuumaddu ay ku guuldaraysatay qorshaheedii ahaa laaluushka iyo kala qaybinta Golaha, waxay la timi qorshe hor leh oo ay ku burburineyso astaantii koowaad ee dimuqraadiyadda dalka oo ah Baarlamanka, iyadoo ay maanta si toosa ugu samaysay inqilaab hannaankii Baarlamanka, sida uu ku sheegay Wasiirkii daakhiligu waraysigii ay BBC-du la yeelatay 08/09/09 galabnimadii.
Sidaas darteed, waxan la socodsiinaynaa dadweynaha Somaliland gudde iyo dibedba:
1-in Baarlamankii ay soo doorteen la afgambiyey oo maanta gacanta ugu jira ciidanka Booliska .
2-in khatar la geliyey deganaanshihii iyo xasiloonidii dalka.
3-in rajadii shacbigu sugaayey ee doorashada dhaawac weyni gaadhay, lana horjoogsaday dadaalkii ay wadeen bulshada caalamku. Sidoo kale, waxay labada Xisbi UCID iyo KULMIYE ugu baaqayaan shacab weynaha inay doorkooda si xilkasnimo ah uga qaataan badbaadinta iyo samatabixinta Qarankooda, iyo difaaca shuruucda iyo xeerarka dalka ee lagu tumanayo, isna barbartaagaan xildhibaanada ay soo doorteen. Waxay labada Xisbi UCID iyo KULMIYE si cad ugu sheegayaan ummadda inaanay ogolayn, raalina ka ahayn falalka noocan oo kale ah. Waxaan xasuusinaynaa ciidanka Booliska iyo saraakiishoodaba inuu xil ka saaran yahay inaanay ku xadgudbin haybadda iyo maamuuska hay’adaha dawliga iyo xuquuqda uu leeyahay muwaadinku, isla markaana oggaadaan inay yihiin adeegayaasha Ummadda, kana digtoonaadaan inaan si qaldan loo adeegsan.”
Dhinaca kale, Shirguddoonka Wakiilada ayaa iyana ka jawaabay eedayn ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaanay hadalka Wasiirka ku tilmaameen mid aanay waxba ka jirin. waxaanay sheegeen in khilaafku ka taagan yahay sharci in la fuliyo iyo in aan la fulin oo ay Xukuumadda ku eedeeyeen inay sharci-darro ku taagan tahay.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland