Arbaco, September 09, 2009(HOL): Diyaaradahani oo ah kuwo ku socda jooga hoose ayaa muddo ka badan 24 saacadood waxa ay dul heehaabayaan Xeebaha iyo guud ahaanba hawada Magaalada Kismaayo, iyadoo aan la ogeyn halka ay ka soo kicitimayaan, wadamada laga leeyahay iyo weliba sababaha keenay in ay iminka dul heehaabaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Islaamiyiinta Xizbul Islaam iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Dadweynaha reer Kismaayo oo wel wel iyo walaac xooggan ka muujiyay diyaaraadahan maalintii 2aad dul heehaabaya Hawada Magaalada Kismaayo ayaa qaar kamid ah waxa ay tilmaameen in ay diyaaradahani yihiin nooca wax basaasa, halka qaar kalena ay sheegeen in ay yihiin diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan Miigga, iyadoona dadweeynuhu intaasi sii raacinayaan in cabashooyin ballaaran ay ka muujinayaan diyaaradahani oo markii ay soo kacaan gabi ahaanba gilgilaya Magaalada Kismaayo iyo deegaanada hoos yimaada.
Ilaa iyo imika ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Islaamiga ah ee ka arimiya magaalada Kismaayo kaas oo ku aadan diyaaradahani maalintii 2aad dul heehaabaya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, inkastoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo diyaarado aan la ogayn wadamada laga leeyahay iyo danahooda gaarka ah lagu arko qeybo ka tirsan gobollada Dalka Soomaaliya. Arrintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli haatan Maraakiibta dagaalka ee ay leeyihiin wadamada Reer Galbeedka ay soo buux dhaafiyeen Xeebaha Dalka Soomaaliya, walow aan la ogeyn in ay diyaaradahani la xiriiraan maraakiibtaasi ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya iyo in kale.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya