Madfac ku dhacay Dekedda Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac geystay

Arbaco, September 09, 2009(HOL): Sida ay noo xaqiijiyeen Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Dekedda Muqdisho madfac ku dhacday Dekedda  ayaa wuxuu geystay dhimashada hal ruux oo ka tirsanaa xamaaliga Dekedda iyo dhaawaca seddex ruux oo kale.

Madfacaan ayaa ilaa iyo haatan waxaan la ogeyn in Dekedda si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay iyo in uu ka tirsanaa madaafiic tiro badan oo saaka la isugu adeegsaday dagaalka ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan, kuwaasi oo qaarkood ay ka gudbayeen bartilmaameedyadii loogu talagalay.

Xiliga uu Madfacan ku dhacayay Dekedda ayaa waxaa dekedda si caadi ah uga socday howl maalmeedkii caadiga ahaa, mana jirin wax lagu bartilmaameedsan karay oo Dekedda ka jiray haddii ay ahaan lahayd in ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ka baxsan kuwa ganacsiga rayidka ah.

Dhanka kalena, dagaalkii saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa warar dheeraad ah oo ka soo baxaya waxay sheegayaan in madaafiic la isugu adeegsaday oo qaarkood bartilmaameedkoodii ka soo gudbnay ay ku dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag iyo weli Suuqa Bakaaraha oo inta badan la duqeeyo marka ay dagaallo ka dhacaan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya