
Arbaco, September 09, 2009(HOL): Waxaa maanta dalka dib ugusoo laabntay xulka qaranka kubada gacanta dalka Soomaaliya oo dalka Burundi kagasoo qeyb galay tartankii qaramada bariga iyo bartamaha Afrika.
Tartankan oo ka dhacayay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa soomaaliya waxaa ay yeelatay 4 cayaarood oo mid ay badisay 3-na laga badiyay, waxaana macalimiintu ay sheegeen in xulka 17 jirar kubada gacanta Soomaaliya ay muujiyen cayaar aad u farsamneysan intii tartanku socday.
Sababta sadexda cayaarood looga badiyay xulka Soomaaliya ayay macalimiintu ku sheegeen in ay tahay dalka Burundi oo xiligan cimiladiisu ay aad u qaboobaayeen oo baraf uu ka jiray oo la qabsiga cimiladaasna uu aad ugu adkaa ciyaartoyda soomaaliya.
Sabab kale ayay macalimiintu ku sheegeen in ay tahay xulka Soomaaliya oo bilihii lasoo dhaafay ku tababar qaadanayay garoon aan cabirneyn maadaama garoomadii ay ku tababr qadan jireen ee degmada cabdil casiis ay dagaalo ka dhacayaan.
Laakin si kastaba ha ahaatee waxaa ay macalimiintu amaaneen qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen xulka under 17 ee kubada gacanta dalka Soomaaliya.
Wiilasha kubada gacanta ee Under 17 ayay u ahayd markii ugu horeysay oo tartan noocan oo kale ah ay u baxaan,laakin guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenow ayaa maanta saxaafada ugu sheegay garoonka diyaaradaha Muqdisho in sanad kasta tartankan ay Soomaaliya ka qeyb geli doonto hada kaddib.


Shafici Muxuyaddiin Abuukar
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xulka qaranka Kubadda gacanta Soomaaliya oo guul iyo guuldarro kala soo noqday Tartankii Bujumbura lagu qabtay
More News
- Madaxweynaha Somaaliya oo soo booqan doona Soomaalida ku nool Mareykanka dabayaaqada bishan
- Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal waqti kooban qaadanaya ugu amba baxay Dalka Jibouti
- Axsaabta Mucaaradka ah oo ka jawaabay dhacdadii shalay ka dhacday Golaha Baarlamaanka Somaliland
- Diyaarado Joog hoose ku socdo oo maalintii dul heehaabaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Maamulka Puntland oo sii daayay labo diyaaradood oo maalmo ka hor si sharci darro ah ugu degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo
- Ciidamada Ammaanka Maamulka Kismaayo oo soo qabqabtay Dad fiyow maalin Ramadaan wax cunayay
- Madfac ku dhacay Dekedda Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac geystay
- Dagaal goor dhaweyd ka bilowday magaalada Muqdisho
- Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo sheegay in weerar ka dhan ah laga soo abaabulayo Gobalada Banaadir iyo Hiiraan.