Arbaco, September 09, 2009(HOL): Dagaal la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu goor dhaweyd ka bilowday xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkanna uu yahay mid saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii, ganacsiga, dad iyo gaadiidka ee Waddada Makka A-Mukarrama.
Dagaalkan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amison oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda. Dagaalka ayaa wararku sheegayaan in uu qarxay kaddib markii ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ay isku dayeen in ay weeraraan fariisimada Ciidamada Dowladda iyo Amisom ee Aaggaas ku yaalla.
Dagaalka oo weli socda ayaanan la ogeyn ilaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay, waxaana ugu wacan iyadoo uu goor dhaweyd uu bilowday. Dagaalkan ayaa ku soo beegmayaa iyadoo 48kii saacadood ee aan ka soo gudubnay ay dagaallo ka socdeen magaalada Muqdisho.
Wixii ku soo kordha Dagaalka ka socda Muqdisho kala soco halkan haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya