Arbaco, 9, Sep, 2009 (HOL) Af-hayeenka Culma'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan Abuu-Yuusuf Al-qaadi ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan dhaq dhaqaaqyo iyo abaabul dagaal oo ay wadaan xoogagga ka soo horjeeda kuwaa oo doonaya ayuu yiri in ay weerar ku soo qaadaan Goballada dhexe, gaar ahaan Goballka Gal-gaduud oo ay gacanta ku hayaan Culimada Ahlu Sunna Waljameeca.
Shiikh C/llaahi Waxaa uu intaa ku daray in ay ka war hayaan gadiid kuwa dagaalka oo ka soo anba baxay Magaalada Muqdisho oo hadda ku sugan ayuu yiri Degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan, isaga oo intaa sii raaciyay in xoogagga ka soo horjeeda qorshahoodu yahay in ay barakiciyaan Bulshada ku dhaqan Goballada dhexe sida ayuu yiri Magaalada Muqdisho.
''Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca diyaar ayeey u yihiin weerar kasta oo kaga yimaada kooxaha ka soo horjeeda, mana aqbali doono in dadka ku dhaqan Goballada dhexe la barkiciyo ayuu yiri Shiikh C/llaahi oo intaa ku sii daray in abaabul ka dhan ah oo ka socdo Goballada Banaadir iyo Hiiraan.
Eedeynta ku saabsan in Goballka Hiiraan laga wado abaabul ka dhan ah Urur Diimeedka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ah mid ku cusub warbaahinta, waxaana muuqta in warka ka soo yeeray Af-hayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca uu ku soo beegmay xili maalmihii ugu danbeeyay kulamo ku la haayeen deegaano ka tirsan Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo ah Guddoomiyaha Maamulka Goballka iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo sida Guddoomiyuhu sheegay uu dhaxmaray hishiis ku saleysan wada shaqeyn dhaxmarta labada dhinac.
Labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxay war ku saabsan in gadiid kuwa dagaalka ah oo uu la socdo hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweyn ay soo gaareen deegaanno ka tirsan Goballka Hiiraan lama oga halka dhab ahaan ay ku wajahan yihiin.
C/ramaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]