Arbaco, September 09, 2009(HOL): Sii daynta diyaaradahan ayaa ka danbaysay sida la sheegayo markii ay bixiyeen shirkadaha leh diyaaradahan ganaax lacageed oo aan cadaddiisa la shaacin, iyadoo ay xusid mudan tahay in wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha ee Puntland Jeneraal Yuusuf Axmed Kheyr uu xalay warbaahinta u sheegay in diyaaradahaas la duldhigay sii deyntooda lacag ganaax ah.
Diyaaradahan ayaa loo heystay in Puntland si sharci darro ah ku soo galeen, isla markaana ay dad ku soo galeen si sharci darro ah, kuwaasi oo qaarkood loo heystay fal dembiyeedyo ay ka mid tahay burcad badeednimo.
Waxaanan la sii daayin oo weli gacanta maamulka Puntland ku jira raggii dhalinyarada ahaa ee diyaaradahaas la socday, kuwaasi oo markoodii hore loo qabtay in ay Burcad Badeed ahaayeen.
Dhanka kale wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha ee Puntland Jeneraal Yuusuf Axmed Kheyr ayaa waxa uu sheegay in baaritaan xoogan lagu wado 6 qof,kuwaas oo dhawaan maamulka Puntland uu sheegay in maxakamad la soo taagi doono.
Waxa ay ahayd dhawaan markii labadan diyaradood ay niman burbad badeed Soomaali ah oo ay ku badasheen dad lahaystayaal u haa burcada badeeda ka dajiyeen meel aan garoon ahayn oo ku taalla Garacad, kadibna ay ka duuleen, markii ay wax yar socdeena uu shidaalkii ka go'ay taasoo keentay in ay ku dajiyeen labada diyaaradood garoonka Gaalkacyo, halkaasina ay ku qabteen ciidamada maamulka Puntland.
Maxamed Cali Royter
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya