Arbaco, September 09, 2009(HOL):Howgalladani oo in muddo ah socday ayay ciidamada Amaanka maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ku soo qabqabteen ilaa iyo 9 qof oo qaar kamid ah ay isticmaalayeen waxyaabaha muqaadaraadka ah ee maanka dooriya halka qaarka kalena ay ahaayeen kuwo masoomayaal ah oo iyagoo fiyow maalin ramadaan raashin cunayay.
Dadkani dambiilayaasha ah oo gebi ahaantoodba ka kooban 9 dhalinyaro ah oo haatan ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la soo taagi doono Maxkamad si markaas loogu qaado waxa ay ka qabto shareecada Islaamka, waa sida uu saxaafadda u xaqiijiyay Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo Max’ed C/qaadir Samsamow.
Taliyaha ayaa intaasi raaciyay in ay sii socon doonaan howgalladani lagu baacsanayo dadka caadeystay isticmaalka waxyaabaha ka hor imaanaya ku dhaqanka shareecada islaamka, wuxuuna uga digay dadkaasi in ay ku noqdaan falalkaas aan wanaagsaneyn.
Sidoo kale Max’ed C/qaadir Samsamow taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa uga mahadceliyay bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo kuwaas oo uu tilmaamay in ay si toos ah ula shaqeeyaan ciidamada Ammaanka Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya