Dad haraad ugu dhintay Degmada Xaafuun ee Puntland

Talaado, September 08, 2009(HOL): Geerida dadkaan la sheegyo in ay u dhinteen biyo l'aanta ayaa ka dhacaday tuulada Haluula oo dhanka bari uga beegan degmada xaafuun,sida uu sheegayo qof goobjoog ah oo aan la xiriirnay.

Dadka dhintay ayaa waxay gaarayaan seddex ruux, kuwaasi oo kala ah hooyo iyo caruur ay dhashay. Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka deegaankaas ay la soo deristay biyo la’aan daran, taasi oo salka ku heysa abaar daran oo halkaas ka jirta.

Xaalada abaareed ee halkaasi ka taagan ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay ku xigeenka duqa degmada Xaafuun Yuusuf Cabdullaahi oo isagu sheegay in xaalada abaareed iyo mida biyo l'aaneed ee inimka halkaasi ka jirta ay sii xumaanayso.

Ku xigeenka Duqa Degmada Xaafuun ayaa maamulka Puntland iyo hay’adaha samafalka ka codsaday in ay dadkaas u gurmadaan, ayna biyo iyo cunto intaba la gaaraan, si buu yiri looga hortago in ay dad kale biyo la’aan iyo abaar u dhintaan.

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Farooley  oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso uu sheegay in degmooyin dhowr ah oo Puntland ka tirsan oo safar ku soo maray ay ka jirtay abaar aad u daran.

Guddoomiye Faroole ayaa intaas ku soo daray in uu indhahiisa soo saaray dad haraad dartiis u jiifa duleedyada ceelal guray, kuwaasi oo xaalad nolol xumo ay ka muuqatay. Guddoomiyaha ayaa markaas kaddib ugu baaqay Hay’adaha Samafalka iyo kuwa Wadaniga ah Puntland in ay dadkaas u gurmadaan.

Maxamed Cali Royter
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya