Dowladda Uganda oo Ciidamo Boolis ah u direysa Soomaaliya

Talaado, September 08, 2009(HOL): Dowladda Uganda oo ay horay uga joogeen Soomaaliya Ciidamo Mileteri ah ayaa shaaca ka qaadday in ay Ciidamo Boolis ah u direyso Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay Dowladda Uganda oo lagu magacabo Jen. Kale Kayihura ayaa sheegay in dowladdiisa ay bisha December ee soo socota u diri doonto Soomaaliya Ciidamo Boolis ah oo tiradooda gaareyso 300 oo askari.

Janaraalka oo aan sheegin waxa ay Ciidamadaas howshoodu noqon doonto ayaa wuxuu sheegay in ciidamadaas ay ka madax bannaan yihiin howlgallada Qaramada Midoobay ee ay Ciidamada Amisom ka wadaan Soomaaliya.

Jen. Kale Kayihura waxaa uu intaas ku daray in sidoo kale ay dowladda Uganda Ciidamo Boolis ah u diri doonto gobolka Darfur ee Suudaan, halkaasi oo ay horay uga howlgelayeen ciidamo ka socda Midowga Afrika.

Sarkaalkan u hadlay Dowladda Uganda ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay Dowladda Uganda Ciidamo Boolis ah u dirto Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan, kuwaasi oo weliba ka madax bannaan howlgallada nabad ilaalinta ah ee Qaramada Midoobay hoostaga.

Dowladda Uganda ayaa waxaa horay uga joogay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ciidamo Mileteri ah oo 3 battalion gaaraya, kuwaasi oo Soomaaliya siyaabo kala duwan u soo gaarayay tan iyo sanadkii 2007-kii.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya