Maamulka DKM Soomaaliya ee Gobolka Gedo oo Beeniyay in Ciidamo iyaga ka tirsan ay isu soo dhiibeen Xoogaga Islaamiyiinta

Talaado, September 08, 2009(HOL): Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Maamulka DKM ee gobolka Gedo Max'ed C/kariin ayaa si kulul uga jawaabay isla markaana wax kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawaan kasoo yeeray Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Luuq ee gobolkaasi Gedo, kaa oo ku aadanaa in Ciidamo katirsan kuwa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ay isu soo dhiibeen Ururka Xizbul Islaam ee ka arimiya Degmada Luuq ee isla gobolkaasi Gedo.

Haseyeeshee Masuulkani u hadlay Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, asagoona sheegay in aysan jirin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya eek u sugan gobolkaasi Gedo oo isu soo dhiibay Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda.

Max'ed C/kariin Guddomiye ku xgeenka 1aad ee gobolka Gedo ayaa hadalkan kasoo yeeray Islaamiyiinta Degmada Luuq ku tilmaamay mid lagu qalqalgalinayo Ciidamada dowladda eek u sugan Gobolkaasi Gedo.

Hadalka maanta ka soo yeeray guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Maamulka Dowladda KMG ah ee Soomaliya ee gobolka Gedo ayaa ku soo beegmaya Xilli maamulka islaamiga ah ee degmada Luuq ee gobolka Gedo uu sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo wata gawaarida gaashaaman ee dagaalka ay isku soo dhiibeen ururkooda Xizbul Islaam oo ka mid ah xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya