Dagaalkii shalay Muqdisho ka dhacay oo sababay dhimashada 8 ruux iyo dhaawac 20 ruux ka badan

Talaado, September 08, 2009(HOL): Waxaa sii kordhaya khasaare ka dhashay dagaal duqeyn watay oo shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalkaas oo socday ku dhawaad 2 saacadood ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 8 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 20 ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen rasaas iyo madaafiic ay dhinacyada dagaallamaya isku ridayeen.

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay dadka Muqdisho ku tilmaameen midkii ugu cuslaa oo muddo saacado ah la isugu adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanno ay dadkii deganaa horay uga  barakaceen ayaa taasi waxay yareysay khasaaraha dagaalka, waxayna dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ahaayeen kuwo aan ku sugneyn aagagga dagaalka, waxaana guryahooda ugu tegay madaafiic iyo rasaas habow ah oo aaney u meel dayin dhinacyada dagaallamaya.

Haddaba dagaalkan waxaa ka hadlay Afhayeenno ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Xisbul Islaam. Afhayee n  u hadlay Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan Caruus ayaa sheegay in ay dagaalkii shalay guulo ka gaareen, isla markaana ay khasaare u geysteen ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Laakin Afhayeen u hadlay Dowladda Soomaaliya  oo lagu magacaabo C/risaaq Maxamed Qeylow ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamadooda, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin sheegashada Xisbul Islaam, isagoo weliba meel ka dhac ku tilmaamay in dagaal dad rayid ah lagu qaaday oo dhibaatooyin loogu geystay lala mid dhigo dagaalkii Beder.

Ugu dambeyntiina, Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ku soo beegeen 17-ka bisha Ramadaan oo ku beegan markii uu dhacay dagaalkii Beder ee dhexmaray Muslimiinta iyo Gaalada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya